Dagaal Beeleed ka Dhacay Bariga Gobolka Mudug & Khasaaraha ka Dhashay..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya degaanada ka tirsan Bariga Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Iska horimaadyo hubaysan uu (Shalay) Sabtidii laba beelood ku dhexmaray bariga Gobolkaasi, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray Maleeshiyaadkii ku dagaalamay..

Wararka ayaa sheegay in Labada beelood ayaa ku dagaallamay degaan ku magac dheer Golol gaar ahaanna miyiga u dhexeeya Towfiiq iyo Af-Barwaaqo, Ugu yaraan 7-Qof oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijinayaa iney ku geeriyoodeen dagaalkii shalay halka ay jiraan dhaawacyo kala duwan, Xaaladda dhulkii lagu Dagaalamay ayaa saaka degan inkastoo aysan ilaa iyo hadda muuqan cid kala dhex gashay dhinacyada dagaalamay.

Dhanka kale, Waxaa magaalada Garoowe laga soo sheegaya in xiliyada Habeenkii Kooxo Dhalinyaro sakhraansan isla markaasna hubeysan ay dhibaato xoogan ku hayaan Amaanka, iyadoo kooxahaan xiliga dambe habeenkii wadooyinka u soo baxa ia markaasna rasaas badan hawada u rida, iyadoo mararka qarkood dhexdooda ka dagaalama.

Maamulka Deni oo si KMG ah ugu guuray magaalada Boosaaso iyo Waxgaradka magaalada midna weli kama hadlin dhacdooyinkan halista ah ee ku soo noq-noqanaya xarunta Puntland ee Garoowe.

259150cookie-checkDagaal Beeleed ka Dhacay Bariga Gobolka Mudug & Khasaaraha ka Dhashay..