YAA LOO SAADAALINAYA DOORASHADA GUDDOONKA BAARLAMANKA SOMALILAND

Somalia news

Baarlamanka Somaliland ayaa sida qorshaysan isla maanta dooranaya Guddoonka Golaha Wakiilada oo ka kooban Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad.

Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulankoodii u horreeyay ku yeelanaya xarunta Baarlamanka Hargeysa, Murashixiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland, waxa ugu cad-cad Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo xilal kala duwan ka soo qabtay Somaliland, islamarkaana ka soo jeeda Gobolka Sool.

Yaasiin Faratoon ayaa ka sharraxan xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, wuxuuna tartan adag kala kulmi doonaa Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxan xisbiga Waddani, iyadoo Doorashada Gudoomiyaha ay noqotay mid Xildhibaanada Xisbiyada ay dhaqaale badan ka macaasheen isla markaasna ka baxeen Xisbigii laga soo doortay.

132770cookie-checkYAA LOO SAADAALINAYA DOORASHADA GUDDOONKA BAARLAMANKA SOMALILAND