Madaxweynaha Somalia Oo Safar ugu Ambabaxay Magaalada Qaahira..

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa magaalada Kampala Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh inuu goordhow ka ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, isagoo ku sii jeeda magaalada Qaahira ee Dalka Masar.

Iyadoo Madaxweynaha uu todobaadkii hore martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Egypt Abdelfatah Al Sisi, kadib markii Magaalada Muqdisho ay soo gaareen wafdi sare uu hogaaminaaya Agaasimaha Sirdoonka Dalka Egypt kaasoo soo gaarsiyay Martiqaadka waxaa sidoo kale lagu wadaa in Madaxweynaha Eritrea uu isna gaaro magaalada Qaahira.

Dowladda Masar ayaa si buuxda u taageertay Madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Somalia, waxaana ay si weyn cambaareysay heshiiskii muranka dhaliyay ee RW Ethiopia la saxiixday Madaxweynaha Maamulka Somaliland, kaasoo xadgudub ku ah madax bannaanida Somalia.

302310cookie-checkMadaxweynaha Somalia Oo Safar ugu Ambabaxay Magaalada Qaahira..