34-Xubnood Oo Laga Saaray Guddiyada Doorashada

Somalia news

 Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Wasiirka 1-aad Ee Dowladda xil gaarsiinta Mr.Rooble, ayaa ku dhawaaqay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala ahaa Federaal iyo Dowlad goboleed…

Dhawaan ayaa markii Midowga Musharixiinta waxay ra’iisul wasaare Rooble usoo gudbiyeen ilaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen, kuwaasoo qaarkood la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaqaalaha Dowladda, Ciidamada iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in ay dhexdhexaad aheyn.

Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa ku dhawaaqay in 34 qof oo 14- xubnood oo kuwa Maamulada Gobolada halka 20- ay yihiin heer Federaal, waxeyna soo jeediyeen in laga saaro Guddiyada Doorashada isla markaasna kuwo kale la soo magacaabo.

Guddiga ayaa sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

123050cookie-check34-Xubnood Oo Laga Saaray Guddiyada Doorashada