Xubno Taageersan Farmaajo Oo Ku Hungoobay Iney Ciidamada Mucaaradka..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Xubno madiidin u ah Farmaajo kana soo jeeda Beelaha Habar Gidir iyo Mudulood ayaa ku hungoobay iney dhaqaale u adeegsadaan sidii Ciidamada taabacsan Midowga Musharixiinta ee difaaca kaga jira Degmooyinka Kaaraan, Cabdicasiis iyo Hodan ee Gobolka Banaadir, isla-markaana diidan muddo kordhinta Hay’adaha Dowladda Federaalka….

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Rooble, Guudlaawe iyo Qorqor ay la xiriireen Saraakiisha Hogaamada Ciidamo ka tirsan kuwa Mucaaradka kadibna qaarkood la hadashiiyeen Farmaajo, isagoo u balanqaaday Dhaqaale hadii ay ka baxaan dhufeysyada, Waana lagu Diiday in la aqbalo dalabkaasi, isagoo loo sheegay inuu ka noqdo Muddo Kordhinta kuna noqdo Teendhada Afisioni.

Wararka ayaa sheegay in Ciidamo oo ka tirsan Guutada 7aad ee Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gurmad ahaan u yimid Magaalada Muqdisho, intii uu socday weerarkii Ciidamada Haramcad iyo Boliiska Gobolka Banaadir ku qaadeen hoyga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ku yaala nawaaxiga Madaxtooyadii hore ee Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Degmada Hodan.

Waxaa la fahamsan yahay in Ciidamada Guutada 7aad ay fashilisay hawlgalkii Dowladda Federaalka ku dooneysay in lagu soo qabto Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Odayaal ka wakiil ah Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Benadir Cali Yare ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii la kulmay Saraakiil ay ka mid yihiin Taliyaha Ururka Gurmad ee Guutada 7aad, Faarax Xasan Xaashi (Faarax Jareer) iyo Liibaan Madaxweyne.

Ururka Gurmad ayaa ka howlgelayay Degaanka Leego ee Gobolka Shabellaha Hoose, ka hor intii aanay habeenimadii Axadda gurmadka ugu imaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xilligaa uu weerarku ku socday, Odayaasha ayaa Saraakiishan ugu baaqay inay xeryahooda dib ugu laabtaan, isla-markaana ay qaataan qidmad lacageed oo Cali Yare uu sheegay inuu siin doono, haddii ay ku laabanayaan xeryahooda.

Faarax Xasan Xaashi (Faarax Jareer), Taliyaha Ururka Gurmad ee Guutada 7aad ayaa dhankiisa xaqiijiyay inay la kulmeen dhowr odayaal ahi, oo uu soo diray Cali Yare.

“Waxba nagama aysan qarin, si cad ayay noogu sheegeen haaf milyan dollar (US$500,000) qaata, dhufeysyada baneeya, dibna ugu laabta xeryahiina.” Ayuu yiri Faarax Jareere.

Faarax Jareere ayaa yiri “Hadafka aan u nimid maaha inaan lacag soo doonanay, waxaan u nimid inaan ka hortagno muddo kordhinta sharci-darrada ah, ugana hortagno dhibaatada ay arrintaasi keeni karto. Iyadoo lacagba nala siin anagaa dib ugu laaban doono saldhigyadeenii, marka aan aragno in doorasho la qabanayo.”

115660cookie-checkXubno Taageersan Farmaajo Oo Ku Hungoobay Iney Ciidamada Mucaaradka..