Maxaa Ka Hor-istaagay Mareykanka Iney Goobjoogayaal U Diraan Doorashada Somaliland

Somalia news

Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa in Saraakiil sare oo ka mid ah safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ay diideen in Goobjoogayaal u dirsaday ama ka mid noqoshada Kormeerayaasha Caalamiga ah ee doorashada Somaliland ka dhacday 31-May, islamarkaana Warbixino ka soo saara Qaabka Doorashada…

Xogo la helay ayaa tilmaamtay in ilaha diblamaasiyadeed ee arrintan u dhuun daloola aanay iftiimin sababta Saraakiisha Safaaradda US ee Muqdisho uga gaabsatay ka qeyb gelaan Kooxaha Kormeerka iyo insha-indheynta Hanaanka doorashada Somaliland.

Wararka ayaa intaasi raaciyay in Danjiraha shaqada ka tagaya ee Maraykanka Mr.Donald Yamamoto fasax ku jiray wakhtiga doorashada Somaliland dhacaysay, waxaana jira dareenno ku aaddan in aanay Mr.Yamamoto iyo xukumadda Madaxweyne Biixi uu xiriirkoodu hooseyso, taasina ay saamixi weysay iney ka mid noqdaan Guddiyada Kormeerka Doorashada.

Sida oo kale waxa aan cadayn in Dawladda Maraykanku ka war qabto arrintan iyo inay ku kooban tahay safaaraddooda Muqdisho, Kormeerayaasha ayaa isugu jiray diblamaasiyiin iyo wakiillada dalal badan oo reer Yurub ah iyo sidoo kale wakiillo ka socda Qaaradda Afrika.

123080cookie-checkMaxaa Ka Hor-istaagay Mareykanka Iney Goobjoogayaal U Diraan Doorashada Somaliland