5-Sababood Oo USA Ku Riixday Iney Fara Geliyaan Somalia (Xuuraan Dhab ah)

Somalia news

Xogo rasmi ah ayaa sheegaya in fariintii Twitter-ka ay 8-dii Septembar 2020, Safaarada USA ee Muqdisho ay ka timid Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Gaashandhigga, iyadoo la sheegay in Qoraal ay direen Siyaasiyiin iyo waxgarad Soomaali ah oo ashtako u gudbiyay Mareykanka, iyagoo ku eedeeyay Maamulka Fashilay ee Farmaajo Musuqmaasuq iyo Qaabo kiil, 45-maalmoodkii ugu dambeeyay uu dalka Wasiirka 1-aad la’aan ahaa…

Xogta la soo gaarsiyay Diinah.com news ayaa sheegeysa in Bishii la soo dhaafay Xafiiska Madaxweynaha uu qaaday talaabooyin la doonaayo in lagu siyaasadeeyo Laamaha amniga ee Qaranka, iyadoo looga faa’iideynsanaayo xiliga kala guurka iyo Xukuumad la’aanta, Mas’uulka kaliya ee ka jawaabay Qoraalka Safaarda ayaa ahaa la-taliyaha Amniga ee Xafiiska Madaxweynaha (hoos ka fiiri)., kana mid ah Xubanaha la eedeeyay.

Waxaa dhacday arrimo halis ku ah dib u dhiska Ciidamada Dalka oo sababay qeyblo dhaan iyo digniino ka soo baxay Mareykanka oo dib u soo celiyaytaageeradii isugu jirtay Tababarada, Saadka iyo Gunooyinka Ciidamada Danab, kdib markii dib u habeyn uu ku sameeyay Ra’iisul wasaarihii hore, kalsoonidaasi ayaa muddo bil gudaheed lagu burburiyay.

Arrimaha Xasaasiga ah ee Dhacay Xiligaan:-

-Waxaa qaab qabiileysan la iskugu bedelay Hogaanada Cidamada Xoogga Dalka, iyadoo saraakiil hoose oo aan khibrad laheyn lagu tixay Xilalka Hogaanada Xoogga Dalka.

-Ciidamadii Degenaa Shanta buundo (Balcad, Afgooye,Janaale, Bariire, Sabiid/Caanoole, Awdheegle/Mubaarag), ee halkaasi loo geeyay si looga hortago Gaadiidka miineysan ee Kooxda Shababka u qorsheyaan Caasimada, ayaa lagu bedelay Ciidamo u badan dhowr qabiil oo taageersan Maamulka Farmaajo aad u taageersan Adeege Fahad Yasin iySaraakiil kale.

-Taliyihii Ciidamada Danab G/le IsmaaciilCabdimaalik Maalin Shaqadii laga joojiyay kadib markii uu ku taliyay Adeege fahad Yasin.

-Agaasimaha Tubta iyo Amniga ee Xafiska Ra’iisul wasaaraha Mr.Liibaan Cabdulaahi Xuseen culeys lagu saaray inuu shaqada isaga tago, waxaana lagu eedeeyay la-taliyaha Amniga ee Xafiiska Madaxweynaha Mr.Cabdisaciid Maxamed Cali.

-Iyadoo Sirdoonka Mareynaka ay si hordhac ah uga war heleen in Taliyaha Cusub ee Danab oo yahay shaqsi ka soo goostay Ururka Shababka, isla markaasna aad u ugu xiran Adeege Fahad Yasin, kaasoo loo soo dhiibay barnaamij dhalan rog ah oo lagu sameeyo Ciidamada Danab.

Shaqsiyaadka adeegsanaaya awooda Madaxweynaha ee isbedelkaan sida hoose uga waday qorshaha dhalan roga Ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxaa horboodaya Agaasimaha NISA, La-taliyaha Amniga Xafiiska Madaxweynaha, waxeyna ogglaasho ka heysteen Madaxweynaha Mr.Farmaajooo xiligaan kala guurka ah doonaya inuu helo Saraakiilisaga daacad u ah, si muddo kororsi ama dib loogu soo doorto.

60140cookie-check5-Sababood Oo USA Ku Riixday Iney Fara Geliyaan Somalia (Xuuraan Dhab ah)