EU-da Oo Go’aano ka Qaatay Qaxootiga ka Yimaada Dalka Somalia & Sababta..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa go’aano KMG ah oo ay soo saareen Xafiisyada Dalalka ku bahoobay EU-da kuwaasoo sheegay iney 2-Qodob saldhig looga dhigi doono Qaxootiga ka soo tagaaya Dalka Somalia, kaasoo xiligaan Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shababka ka dhex socda…

Waxeyna sheegeen inuu sare u kacay Dadka Rayidka iney ka qaxaan Degaanada ay ky nool yihiin sababo la xiriira dagaalada kasocda Bartamaha Dalka, Dadka ayaa wajahaaya khataro Amni iyo sare u kaca gudniinka fircooniga ee Hablaha yar yar, iyagoo intaasi raaciyay iney sidoo kale jiraan tiro badan oo Maleeshiyaad ah oo ka baxsanaaya Baacsiga lagu hayo & dagaalada sokeeya ee ka socda Waqooyiga Dalka.

Dowladda Federaalka ayaa digniino u jeedisay Degaano dhowr ah oo dhulka u dhaxeeya Degmooyinka Ceelbuur, Galhareeri ilaa Degmooyinka Xaradheere, Dhuusa mareen iyo Ceel dheer, iney isaga baxaan guryahooda maadama ay suurto gal tahay iney waxyeelo ka soo gaari karto duqeymaha iyo dagaalada la dejiyay in looga saaro maleeshiyaadka kooxda argagixisada shababka.

272520cookie-checkEU-da Oo Go’aano ka Qaatay Qaxootiga ka Yimaada Dalka Somalia & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com