Wararkii Ugu dambeeyay Qaraxa Magaalada Kismaayo

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegaya Naftii halige isku qarxiyay duhurnimadii maanta magaalada Kismaayo, iyadoo la la beegsaday Mas’uul sare oo ka tirsan Rugta Ganacsiga ee Dowlad Goboleedka Jubbland….

Xogta ayaa Diinah.com news u sheegtay in qaraxa uu geystay Naftii halige oo isku xiray walxaha qarxa, isagoo isku qarxiyayMasaajidka Qadiim hortiisa, iyadoo wararku ay sheegayaan in qaraxa loo la dan lahaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Mr.Shaafi Raabi Kaahin oo xiligaasi ku sugnaa masaajidka hortiisa, waxaana la sheegay in Dhaawac culus uu ka soo gaaray qaraxaasi.

Waxaa loola cararay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, sidoo kale waxaa ku dhintay 2-qof oo mid uu yahay Ninkii isa soo miineeyay, iyadoo ay ku dhaawacmeen 6-qof uu u badna Ilaalada Gudoomiyaha

60200cookie-checkWararkii Ugu dambeeyay Qaraxa Magaalada Kismaayo