Midowga Yurub (EU) ayaa hakiyey dhaqaalihii tooska aheyd ee uu ku kabi jirtay miisaaniyadda dowladda Federaalka, sida uu qoray wargeyska caanka ah ee dhaqaalaha ka faallooda ee The Economist, Dhaqaalahaan tooska ah ee Midowga Yurub uu siiyo Dowladda ayaa la bilaabay sanaddii 2018, iyadoo wixii markaas ka horeeyeey la marsiin jiray hay’adaha iyo ururada aan dowliga aheyn (NGOs), si ay Somalia ugu qarash gareeyeen….
Warbixinta wargeyska The Economist ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeyey bishii June ee sanadii tegay uu mar kale Midowga Yurub hakiyey miisaaniyaddaas, sababo la xiriira walaacyo ku saabsan isku day lagu boobaayo doorashada Somalia, waxaana lagu Eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday in tan iyo markii uu xukunka qabtay uu isku dayayey inuu awoodda xoojisto isaga oo dhinac u riixaya mucaaradka, islamarkaana u adeegsanaya ciidamada dowladda.
Beesha caalamka, oo ay hormuud u yihiin Midowga Yurub iyo Mareykanka, ayaa xiligaan culeys ku haya Mr.Farmaajo inuu madaxweyne goboleedyada kula shiro Xalane, taasoo uusan raali ka aheyn, waxaana muuqata in awoodda maaliyadeed ee ay Somalia ku leeyihiin ay adeegsanayaan cadaadiska ay ku hayaan Farmaajo.
Dowladda Federaalka weli kama hadlin haddii ay jirto in miisaaniyadda Midowga Yurub la hakiyey, hase yeeshee daba-yaaqadii sanadkii tegay iyo horraantii sanadkan waxaa soo ifbaxayey dhowr kiis oo ku saabsan ciidamo iyo shaqaale rayid ah oo aan mushahar qaadan, taasi oo markii hore aan dhici jirin.