Khilaaf & Muran Hareeyay Agaasinka Aaska Marxuum Cali Mahdi

Somalia news

Waxaa socda qabanqaabada Aaska Alla ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somalia Cali Mahdi Maxamed, Laakiin Waxaa muran ka taagan yahay Cida sugaysa Amaanka xiliga Aasku socdo, iyadoo Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Uu Ciidamo aad u badan Ku Soo daadiyay Wadooyinka Magaalada gaar ahaan garoonka Diyaaradaha…

Dowlada Federaalku waxay qorshaynaysaa in Amaanka ay sugaan Ciidamadeedu halka Siyaasiyiin badan ay walaac Arinkaas ka muujiyeen. Sababtoo ah waxaa meesha ka baxay Kalsoonida lagu qabo Ciidamada ka amarqaata Villa Somalia, Siyaasiyiin ku sugan Muqdisho ayaa soo jeediyay in Ciidamada Dowladu ay sugaan Amaanka laakiin Ciidamadaas inaysan noqon kuwa khaaska ah Madaxtooyada (Boliiska Dableyda) Gorgor iyo Haramcad ee sida tooska ah uga Amarqaata Villa Somalia.

Ciidamada Dowlada ayaa kalsoonidii ay shacabku ku qabeen ay lumiyeen kadib markii la ogaadey in Ciidamada badankooda ay sitoosa uga Amar qaataan Villa Somalia iyo Saraakiil ku beel ah Mr.Farmaajo, waxaana Ciidamadaan lagu eedeeyay oo kale iney yihiin kuwo Maskaxda laga dhaqay oo laga dhaadhiciyey in Madaxweyne Farmaajo mooyee Siyaasiyiinta kale ay yihiin Cadowga jiritaanka Dowladnimada Somalia ayna lamid yihiin maleeshiyaadka Shababka.

Dhanka kale waxaa laga digay khatar amni oo Kooxo horey uga tirsanaa Shababka ay Maamusho Shababka iney fuliyaan dilal qorsheysan iyo iney maleegaan qaraxyo miino, iyadoo uu bartilmaameedku yahay Mas’uuliyiinta Midowga Musharixiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Ee ka qeyb galaaya Aaska Marxuum Cali Mahdi Madaxweynihii hore Ee Somalia.

101020cookie-checkKhilaaf & Muran Hareeyay Agaasinka Aaska Marxuum Cali Mahdi