Shirkii Golaha Wadatashiga oo War-murtiyeed laga soo saaray

Somalia news

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war murtiyeed ka soo saaray shir Muqdisho ugu socday 4-ta maalmood, iyagoo ka soo saaray War-murtiyeed ka kooban ilaa Shan qodob oo ay ka mid yihiin Sugidda Amniga, La dagaalanka Argagixisada, Dardar gelinta dib u eegista Dastuurka, Dimoqraadiyeynta iyo Doorashooyinka…

Golaha ayaa isku raacay in dalka laga dhaqan geliyo nidaamka Xisbiyada Qaran, in dalka laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan, kuna saleysan cod bixiyeyaal diiwaan gashan iyo Xisbiyo u tartama golayaasha heerarka kala duwan.

Sidoo kale Waxaa Golaha Wadatashiga Qaran isku raaceen in la qabto labo doorasho, mid Heer Federaal iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka, kuwaasoo aan wakhti cayiman loo qaban, waxeyna riman yihiin Muddo kororsi.

222280cookie-checkShirkii Golaha Wadatashiga oo War-murtiyeed laga soo saaray