Talaalkii Covid-19 Ee Somalia Loogu Talay Galay Oo Garoonka Nairobi Ku Xayiran

Somalia news

Inta Badan Dalalka Qaraxa Africa ayaa la sheegay iney heleen Talaalkii loogu talagalay Cudurka saf-mareenka ah Ee COVID-19, iyadoo la sheegay in Dal kasta oo Qaarada ka mid ah loogu tala galay inuu saami ahaan loo siiyo 20% Deeqda Daawada, wuxuuna soo gaaray Dalalka Ethiopia, Djibouti iyo Kenya…

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in Dalka Somalia oo ay ka mid aheyd Dalalka loogu deeqay Talaalkaan, Ee mashruuca Covax Ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka (WHO), waxaana la sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dalka India Mr.Subrahamanyam Jaishankar uu sheegay in Shixnadii talaalka qeybtii Somalia laga qaaday dalkooda, iyadoo Shirkadda AstraZeneca Ee dalka India ay Farsamrysay, ayaa laga dejiyay garoonka doyaaradaha Ee Magaalada Nairobi Ee Dalka Kenya.

Waxaana Dalka Somalia loogu deeqay 300,000 oo Goojo oo aheyd qeybtii ugu horeysay, iyadoo Somalia loogu talo galay 1,200,000 oo goojo, waxaana la xaqiijiyay in shixnadii ay gaartay 6-dii bishaan, ilaa hadda lama yaqaano sababta loogu leexiyay Dalka Kenya, Saraakiisha Cafiimaadka Somalia ayaa sheegay in khalad Dhanka farsamada ah iyo lojistikada loo geeyay Nairobi.

Shixnadaan ayaa la filayaa inuu maalmahaan soo gaari doono Magaalada Mogadishu, waxaana la sheegay inuu jiro diyaar garow La’aan iyo qorshe xumo ay qeyb ka tahay sababta loo geeyay Magaalada Nairobi, ilaa hadda ma cadda sida loo qeybin doono.

100890cookie-checkTalaalkii Covid-19 Ee Somalia Loogu Talay Galay Oo Garoonka Nairobi Ku Xayiran