Wararka naga soo gaaraya degaanka Hoosingow oo hoostaga Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dagaal faraha looga gubtay una dhaxeeya Dadka Degaanka iyo Kooxda argagixisada Shababka uu ka dhacay degaanka, kadib markii ay diideen Dadka Degaanka Baad ay dalbadeen Kooxda Shababka taasoo horseeday la dilo tiro dad ah isla markaasna la xasuuqo Tiro badan oo xoolo ah oo ay lahaayeen dadka degaanka….
Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda argagixisada Shababka oo tiradoodu lagu 60-70 ay weerar ku qaadeen degaanka Hosingow oo ka tirsan Degmada Badhaadhe, iyadoo inta la xaqiijiyay ay ku geeriyoodeen 9-qof 5-kale ay ku dhaawacmeen iyo ugu yaraan 30-neef oo Geel ah, Sida ay sheegeen dadka degaanka,waxeyna sheegeen iney iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday.
Gudoomiyaha degaanka Hoosingow Cabdulqaadir Cumar Shire ayaa warbaahinta gudaha u sheegay iney iska caabiyeen weerarka Kooxda argagixisada Shababka ku soo qaadeen degaanka, wuxuuna intaasi raaciyay In mudooyinkii ugu dambeeyay ay wajahaayeen Dadka Degaanka xaalad go’doon ah oo ay geliyeen kooxda Shababka iyadoo ay u sii Dheer tahay Abaaro ku habsaday beeraha oo baabiyay dalagyadii kala duwanaa, wuxuuna ku baaqay in gurmad deg deg ah la la soo gaaro.