Kooxda Shababka Oo Weerar ku qaaday Degaanka Kaxda & Khasaare ka Dhashay..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Weera kedis ah oo xalay saqe dhexe Maleeshiyaad ka tirsan Kooxda Argagixisada Shababka ku qaadeen Degaanka Kaxda ee Gobolka Benaadir, dagaalka ayaa la sheegay inuu geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawacyo, waana weerarkii 2-aad muddo 24-saac gudahood …

Wararka ayaa sheegaya iney Maleeshiyaadka kooxda ay 4-jiho ka soo qaadeen Weerarka, iyagoo bartilmaameedkoodu ahaa sidii ay u qabsan lahaayeen Saldhigga Boliiska & Xarunta Degmada, iyadoo weerarka la sheegay iney u adeegsadeen Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, Xabadaha Baasuuke ah iyo Qoryaha PKM-ka, iyadoo la dembiyay Korontadii Degmada.

Wararka ayaa sheegay in Gaadiid Dagaal oo gurmad ahaa mid ka mid ahi ay miino la qaraxday, waxaana ku geeriyooday 2-Askari iyo tiro kale oo Ciidamo ah oo uu ku jiro (Taliyaha Saldhigga) iyo Dad Rayid ah ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareeen, Ciidamada ayaa sheegay iney iska caabiyeen Weerarka gaadmada ah.

Horgalada Shababka ayaa sheegtay iney ka sii daayeen Xabsiga Saldhigga tiro Maxaabiis ah oo ay horey u wateen, kadib markii ay muddo kooban qabsadeen, Maamulka Gobolka iyo Hey’adaha Amaanka ayaan midna ka soo saarin War dhacdadaan.

273390cookie-checkKooxda Shababka Oo Weerar ku qaaday Degaanka Kaxda & Khasaare ka Dhashay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com