Ma Dhabaa in 2-Duulimaad oo Ethiopian Airlines Laga Horjoogsaday iney Mogadishu ku Degaan…

Africa News Somalia news

Warar hordhac ah oo laga helay ilo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in kadib heshiiskii Is-afgarad ee Ethiopia iyo Maamulka Somaliland ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis abeba, ay soo shaac baxayaan olole lagu diidan yahay isticmaalka Diyaarada Ethiopian Airlines oo Heshiiskaasi qeyb ka aheyd in Saami laga siiyo Maamulka Hargeysa..

Ololahaan xoogiisu ay gadaal ka riixaayaan Qurba joogta Soomaaliyeed kuwaasoo bilaabay in Joojiyaan Raacista Diyaarada Ethiopian Airlines, Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ilaa 2000-Passenger Qurbe-joogta Somalia ka soo jeeda ay (Cancel) ka dhigeen Tikadhadoodii ay ka go’steen Diyaarada Ethiopia sababo la xiriira fara gelinta iyo Boobka Maamulka Abiy ee Addis abeba.

Warar ayaa sheegaya in 2-Duulimaad oo shalay ay Ethiopian airlines ku imaan laheyn magaalada Mogadishu la baajiyay, kadib markii loo diiday oggolaashaha soo degista sida ay qoreen Amhara news Services inkastoo aan ilaa hadda war aysan ka soo saarin go’asn arrintaasi la xiriira Waaxda Hawada Somalia.

298100cookie-checkMa Dhabaa in 2-Duulimaad oo Ethiopian Airlines Laga Horjoogsaday iney Mogadishu ku Degaan…