Shixnada Talaalka Somalia Laga Dejiyay Oo Tayadiisa Laga Digay

Somalia news

Talaalka COVID-19 ee Shirkada AstraZeneca oo shalay shixnadii u horaysay noociisa lageeyay Somalia iyo Kenya ayaa Dalal badan ay hakad galiyeen isticmaalkeeda, kadib markii lagala kulmay Xanuun sababay in Dad badan ay ku Xanuunsadaan, hal Qof ayaa ilaa hada u dhintay talaalkaas….

Dhowr Dal oo u bdan Midowga Yurub joojiyay isticmaalka Talaalkaan, waxeyna sheegeen in Dadkii lagu duray Talaakaan iyagoo markii hore caafimaad qabay ay la soo deristay Caafimaad darro (Xididada dhiiga qaada xinjiro xiray) sababay inay galaan Kooxo ama Xasaasiyad xoogan ay ka qaadaan, iyadoo sidoo kale la sheegay in tayadiisu ay hooseyso, waxeyna ku wargeliyeen dalalka EU-da ka tirsan iney joojiyaan Talaalka Astra-zenica.

Dalalka Jarmalka, Faransiiska, Spain, Holland, Italy, Denmark iyo Norway oo kamid ahaa Dalalkii soo iibsadey Talaalka AstraZeneca ayaa hada go’aansadey inay joojiyaan isticmaalka Talaalka, Barnaamijka COVAX oo ay hormuudka ka tahay Ha’ada Caafimaadka Aduunka WHO, waxaa lagu caawinayaa Wadamada soo koraya si ay u helaan Talaalka Civid19, Waxaana Barnaamijkaan lagu keenay Talaalka AstraZeneca Wadamo ay kamid yihiin Somalia iyo Kenya.

101860cookie-checkShixnada Talaalka Somalia Laga Dejiyay Oo Tayadiisa Laga Digay