Garyaqaanada Somalia Oo U Gudbiyay Maxkamada ICJ Gundhigga Dacwada

Somalia news

Garyaqaanada Somalia u wakiilka aheyd Dacwada Badda Ee u dhaxeysa Dalalka Somalia iyo Kenya ayaa sheegay in Somalia Maxkamadda ICJ ku gudbisay dalabyo saddex qodob ka kooban kuwaasoo saldhig u ah dacwadda badda ee shalay lagoo gaba-gabeeyay kadib markii Kenya ay isaga baxday Gar-maqalkii ugu dambeeyay ee dacwaddaas…..

Qodobada ayaa kala ah:

– In Xeer-beegtu ay naqdiso dalabaadka & codsiyada ay Kenya usoo dirtay 2018-kii, lana aqbalo kuwa dhanka Soomaaliya ka yimid.

In Maxkamaddu xadeyso Dhul Biyeedka u dhaxeeya Somalia & Kenya, si waafaqsan shuruucda caalamiga ah oo aan mugdi ku jirin.

-In Xeer-beeegtu go’aamiso, caddeysana in hab dhaqanka Kenya uu yahay mid xad-gudub ah, isla markaana u gudbiso dhanka kale bixinta magdhaw la xiriira muranka dacwadda badda.

Garyaqaanada ayaa sidoo kale ka codsatay in lagu wareejiyo Sahminta & xogta Kenya ay ka gudbisay Biyaha ay muranka gelisay, maadaama ay dhul biyeed aysan laheyn si sharci darro ah macluumaad uga uruurisay isla markaasna ku dhiiratay iney shirkado Shidaal ruqsado u siisay.

102760cookie-checkGaryaqaanada Somalia Oo U Gudbiyay Maxkamada ICJ Gundhigga Dacwada