Bar-Ilaalo Oo Degmada Kaxda Ku Taal Oo Xalay la Weeraray..

Somalia news

Fashfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar ay xalay kooxda Argagixisada Shababka ka geysteen bar-ilaalo oo Xoogaga Amaanka ku lahaayeen Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, ee Gobolka Benaadir, inkastoo aan warar laga helin khasaare kala duwan..

Weerarkaan ayaa xalay lagu qaaday Xoogaga Amaanka loo yaqaano Boliiska Dableyda (BD), sidoo kalena ay saakay ka dhaceen qaraxyo miino kuwaasoo la geliyay isla goobta xalay weerarka uu ka dhacay, Dad goobjoogeyaal ah, ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen rasaas xoogan oo ka dhaceeyso isla degmada Kaxda, saakayna ay ku waabariisteen qaraxyo.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo labada dhinac ah inkastoo weli aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah, Waxaan xiriir la sameeynay Maamulka Degmada iyo Masu’uliyiinta Laamaha amniga kuwaasoo ka gaabsaday iney bixiyaan warar dheeraad, Kooxdaani ayaa inta badan weerartay Degmada Kaxda.

302550cookie-checkBar-Ilaalo Oo Degmada Kaxda Ku Taal Oo Xalay la Weeraray..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com