Ma Dhabaa in Kooxda Shababka Xayiraad ku soo Rogeen Howlaha & Ganacsiga Shirkadda Hormuud..

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa soo jiitamaayay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Horjoogayaasha kooxda Argagixisada Shababka iyo Shirkada Hormuud, khikaafkaan ayaa salka ku haya Arrimo badan oo is biirsaday oo ay ka mid tahay Dhaqaalaha Baada ah oo Shacbiga laga qaado, Adeegsiga ganacsiga la xiriira Isgaarsiinta iyo kuwo kale …

Macluumaadka la helaayo ayaa tilmaamaya in Horgalada kooxda ay xayiraad ku soo rogeen ilaa 35-Xarun oo ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ka howlgaleysay oo ku yaalla qaar ka mid ah Degaanada ay gacanta ku hayasn ee Dalka, iyagoo ku wargeliyay Dadweynaha ku nool degaanada ay maamulaan ee isticmaala adeega shirkadaas inay isaga guuraan oo ay qaataan Taleefonada Shirkadaha kale, iyagoo gebi ahaanba ay joojiyeen dhammaan wixii gaadiid shirkadda laheyd ee ka howlgalayay deegaanada.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo Kooxda ka soo baxay oo ah in gebi ahaanba xireen adeegga shirkadaas, haddana waxaa muddooyinkii u dambeeyay jiray is-maandhaaf u dhaxeeyay Shirkadda iyo Horjoogayaasha Shabaab oo ku cadaadinayay Hormuud inay joojiyaan adeegga lacagaha mushaaraadka Ciidamada Dowladda ugu dhaco Taleefanada, inkastoo dalabkaas shirkaddu sheegtay in aanay u fududeyn dhaqan galkiisa.

270690cookie-checkMa Dhabaa in Kooxda Shababka Xayiraad ku soo Rogeen Howlaha & Ganacsiga Shirkadda Hormuud..