Qatar & Turkiga Oo Lagu Eedeeyay Carqaladeynta Somalia

Somalia news

4-sano ee ugu dambeysay ayaa la sheegay in Dowladaha Qatar iyo Turkiga ay fara gelin xoogan ku hayeen Arrimaha gudaha Somalia, iyadoo Dhaqaale, Tababarada Ciidamada iyo saadkaba ka gacan siinaayay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo Ee Muddo xileedkiisu dhamaaday….

Warbixino laga helay ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay Dawladda Qadar ayaa kafaalo qaaday inay bixiso dhaqaalaha Maamulka Farmaajo loogu qorayo Ciidamo cusub oo lagu kordhinayo kuwii horey ay u tababareen Ciidamada Turkiga ee Haramcad iyo Gorgor, sidoo kale waxey balanqaadeen in dhaqaalaha gunooyinka loogu kordhinayo labadaan qeybood.

Ujeedada xiligan ugu fidiyeen Taageerida Maamulka mudo-xileedkiisu dhamaaday, ayaa lagu minceeyay iney welwel ka qabaan Turkiga iyo Qatar, hadii Uu Doorashada ku guuleystoo Maamul ka duwan kan Farmaajo uu horseedi doono in Xiriirka loo jari doono, Wasiirka Arrimaha Dibeda Turkiga ayaa sheegay inuu dhexdhexaadinaayo Dhinacyadaan Doorashada isku haya.

Waana sababtaasi Taageerida dhaqaalaha, Tababarada, Hubka iyo Rasaastaba la daba joogaan Maamulka Fashilmay, Farmajo ayaa dhiiragelinta labada dal doonaaya inuu adeegsado Ciidamada loo tababaray iney kusii hayaan talada Dalka, isagoo ku dhiiriday talaabadaa kadib markii uu ka guulaystay in mucaaridka Muqdisho uu fashiliyo isla markaasna ka horjoogsado inay dhigaan banaanbaxyo isaga lagu diidan yahay.

102820cookie-checkQatar & Turkiga Oo Lagu Eedeeyay Carqaladeynta Somalia