Maamulka Nairobi ayaa soo saaray Qoraal ka kooban 14-qodob oo dacwada Kiiska Badda Ee kala dhaxeeya Somalia, iyagoo sheegay iney yihiin Dhul-badeed baaxad leh oo Gobolka Jubada Hoose, Qoraalkaan ayeey ku faahfaahiyeen Mowqofkeeda Kiiska iyo Soo afjarsiteeda ka qeyb galka Dacwada….
Waxeyna Qoraalka ku xustay (Kenya), iney Xeer-beegta Maxkamada Cadaalada ka tirsanayaan “Cadaalad darro”, waxey sidoo kale Eedeyn u jeediyeen Garsoore Cabdiqawi Yuusuf Gudoomiyihii Hore Ee Maxkamada (ICJ) oo Somalia ka soo jeeda, iyagoo ku Eedeeyay inuu la safan yahay Somalia inkastoo aysan caddeyn ku filan soo bandhigin.
Sidoo kale Daraf 3-aad oo aysan magacaabin balse ku qeexday “dano Ganacsi” ayeey ku Eedeeyeen iney hurinayaan Kiiska, talaabadaasi ay walaac ka muujiyeen khatarna ku ah Xasiloonida iyo Nabada Geeska Afrika. Waxeyna Somalia ku eedeysay iney wado qorshe dhul balaarsi ah, iyadoo sheegtay iney diyaar u tahay in qaab Diblomaasi ah ku xaliso.