USA Oo Digniin U Jeedisay Siyaasiyiinta Somalia

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Qoraal ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Mareykanka, iyadoo loogu baaqay Mas’uuliyiinta Dowladda Xil gaarsinta iyo Maamulada Gobolada iney si deg deg ah xal uga gaaraan Khilaafka hareeyay Doorashada isla markaasna gaaraan heshiis wadar oggol ah si Dalka Doorasho uga dhacdo….

Wararka ayaa sheegaya in Qoraalkaan uu hordhac u yahay qoraal kale oo Dowladaha Daneeya Arrimaha Somalia ay soo saari doonaan 24-saac Ee soo socota, ayaa lagu faray Kooxaha Siyaasiyiinta Soomaalida in aan wakhti kale lagu lumin dano gaar ah iyo maseyr Siyaasadeed oo u dhaxeeya, isla markaasna aan dib u dhac lagu Keenin barnaamijka deyn cafinta iyo la dagaalanka Argagixisada

https://www.state.gov/somalia-should-hold-elections-immediately/

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda Mareykanka ay taageersan tahay in Banaanbaxyada Nabadeed la qabto, waxaana laga digay awood sheegashada Ciidamada Dowladda, waxaana looga digay Dhinacayada Siyaasiyiinta Soomaalida in hadii aan xal deg deg ah laga gaarin Khilaafka Doorashada in la saari doono cunaqabateyn dhinacyo badan ah..

102940cookie-checkUSA Oo Digniin U Jeedisay Siyaasiyiinta Somalia