Macluumaad ayaa laga helayaa qorshayaal dib loogu bilaabi lahaa Kulankii Teendhada Afisioni oo ay wadeen Safiirada QM, Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ku soo dhamaaday guuldarro, kadib markii Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu si toos ah uga hor yimid in la hirgaliyo Qoshayaashaan…
Wararka ayaa sheegaya in Qorshayaashaan oo ka koobnaa 3-qodob kuwaasoo la doonaayay in lagu wiiqo Awoodaha Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, islamarkaana lagu raadinayo xal doorasho oo uusan qeyb ka aheyn, sida loo soo dusiyay Warsidaha Diinah.com news.
-Daneeyayaasha Caalamka ayaa isku dayay in hoggaanka doorashada Somalia uu la wareego Ra’iisul Wasaare Xil-gaarsiinta Rooble, islamarkaana ay qeyb kala noqdaan maamul gobaleedyada dalka, taasoo ugu dambeyn la sheegay in ay ka socon weysay dhinaca Rooble kadib cadaadis uga yimid Villa Somalia, si uu u diido.
-Beesha Caalamka waxay isku dayday in ay heshiiyaan maamul gobaleedyada dalka islamarmaana go’aan mid ah ka qaataan arrimaha la isku hayo ee doorashada, waxaana kulamadii dhici lahaa ka baaqday maamulada taabacsan Villa Somalia oo lagu cadaadiyay in aysan ka qeyb gelin. Haddii maamulada heshiin lahaayeen waxaa meel cidlo ah kusoo dhici lahaa madaxtooyada.
-Beesha caalamka waxay isku dayday in khilaafka doorashada Somalia ay kala hadasho Guddoonka Golaha Shacabka oo cabsi weyn laga qabo inuu ku dhaqaaqo muddo korarsi, waxaana la sheegay in arrintaasna sidoo kale socon weysay kadib cadaadis kale oo la saaray guddoonka Golaha Shacabka, isagana u dhego nuglaaday.