Ciidamada Howlgalada ATMIS Oo Xayiraado Ku Soo Rogay Xeyndaabka Xalane & Garoonka

Africa News Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa qoraal ay soo saareen hogaanka Howlgalka ATMIS ayeey ku dhawaaqeen in la xirayo Dhaqdhaqaaqa xerada Xalane 10-ka illaa 16-ka bishan April, tallaabadaas oo loo arko mid lagu xoojinaayo dhaarinta xildhibaanada cusub…

Senatorada & Xildhibaanada cusub ayaa qorshuhu yahay in lagu dhaariyo Teendhada Afisyoone oo ka tirsan Xalane 14-ka bisha April, balse go’aankan kasoo baxay howlgalka ATMIS ayaa lagu fasiray inuu yahay mid xakameynaayo Kooxaha diidan iney si nabad ah ku dhacdo Xaflada Dhaarinta.

Qoraalka uu howlgalka ATMIS u diray Safaaradaha Caalamka ee Somalia ayaa lagu yiri “ATMIS waxay howlgal amni ka fulin doontaa saldhigga 10-ka illaa 16-ka April, si loo ogolaado hubin amni oo mideysan, xerada waxay gali doontaa xayiraad buuxda muddada kor ku xisan.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in xanibaaddan ay joojin doonto dhammaan shaqooyinkii dhismaha ee ka socday xarunta, la xiri doono dukaamada iyo goobaha ganacsi ee Soomaalida iyo kuwa caalamiga ah, goobaha lagu dhaqo baabuurta iyo maqaayadaha.

ATMIS waxay sheegtay in sidoo kale xerada la gelin doono bandow 8:00 pm illaa 5:00 ee subaxnimo, islamarkaana roondo amni gudaha laga sameyn doono  muddadaas oo idil.

181240cookie-checkCiidamada Howlgalada ATMIS Oo Xayiraado Ku Soo Rogay Xeyndaabka Xalane & Garoonka