Kadib fashilkii ka soo gaaray muddo Kordhinta Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, isla markaasna Dalka geliyay xaalad khatar ah diidayna inuu u dhego nuglaado baaqyada Qeybaha kala duwan Ee Shacbiga Soomaaliyeed iyo Saaxiibada Somalia, ayuu hadda ugu baaqay Taageerayaasha iney Banaanbaxyo dhigaan…
Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Madaxweynihii Hore Ee Somalia uu wakiilo u dirsaday Jaaliyadaha Soomaaliyeed Ee ku nool Caasimadaha Dalalka reer Galbeedka. kuwaasoo lagu taageeraayo muddo Kordhinta waxaana la sheegay in Villa Somalia laga diray dhaqaale lagu abaabulo dibedbaxyada.
Banaanbaxyadaan ayaa la qorsheynayaa inay ka dhacaan magaalooyin ay ka mid yihiin London oo UK ah, Minneapolis, Columbus iyo Washington oo Mareykanka ah, iyo magaalooyin kale oo ku yaalla qaar ka mid ah dalalka kale ee Yurub, sida Sweden, Norway, Belgium, Germany iyo kuwa kale
Maamulka Gobolka Benadir ayaa la sheegay in loo xilsaaray in dhaqaalaha ku baxaaya Banaanbaxyada bixiyaan, iyadoo lagu qiyaasay dhaqaalaha ku baxaaya ilaa 500-kun ilaa 700-Kun US$, Boorarka ayaa lagu qori doonaa eryo looga soo horjeedo Faragelinta Dowladaha Reer galbeedka Ee Siyaasada Gudaha ee Somalia iyo taageerida Doorashada qof iyo cod.