Ma Dhabaa in Ciidamada ay dib uga Gurteen Degaanka Galcad

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Kooxda Argagixisada Shababka ka geysteen degaanka Galcad ee Gobolka Galguduud, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Ciidamada Dowlada ay dib uga gurteen degaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Dowkadda iyo kuwa degaanka ay dib uga gurteen degaanka, kadib weerar culus oo ay shalay kala kulmeen kooxda Argagixisada, iyadoo haatan Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ay saldhigyo ka sameysteen duleedka degaankaasi iyo sidoo kale Degmada Ceeldheer ee Galgalgaduud.

Kooxda argagixisada ayaa sheegtay iney tiro badan ka dileen Ciidamada ka qabsadeen ku dhowaad 45-Gaari oo isugu jira kuwa xamuulka Ciidamada, Gaari Amblas ah iyo Gaadiid dagaal, Halka Dowladda ay sheegay in Duqeymo ku burburiyeen 5-Gaari oo kuwa dagaalka ah, mana jiraan warar madax banaan oo xaqiijinayaa khasaaraha Weerarka.

238210cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamada ay dib uga Gurteen Degaanka Galcad
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com