Fadeexo Ka Dhalatay Talaabo Ay Qaadeen Saraakiisha Arrimaha Dibeda

Somalia news

Ilaa xalay waxaa baraha Bulshada is-qabsaday fadeexo, hadal hayn badan iyo CERN oo ka dhalatay kulan shalay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku dhex-maray wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Belel Cusmaan iyo Danjiraha Ruushka ee Jabuuti iyo Somalia Michail Golovanov….

Sawirada Kulankaan ayaa la sheegay inuu hareeyay fadeexada iyo Hab-maamuska tayadiisu hooseeyso oo ay ku dhaqaaqeen Saraakiisha Xafiisyada Wasiirada Arrimaha Dibeda, iyagoo isku khalday Calamada Holland iyo Russia, iyadoo warkaasi lagu baahiyay Warbaahinta Dowladda (TV-ga).

Waxaa durbadiiba baraha bulshada Soomaalida, iyo kuwa Shisheeyaha qabsaday hadal haynta qaladka (Farsamada xumida) kauwen kaceen Saraakiisha Xafiiska Hab-maamuuska Wasaarada Arrimaha Dibeda oo lagu soo xulo qaab Nin-jecleysi iyo Eex, talaabadaasi oo horseeday inay kala garan waayaan Labada calan ee 🇳🇱 iyo Russia 🇷🇺.

Faalooyinka qaarkeed ayaa dhacdadan loogu adeegsaday ereyo ay ka mid ah yihiin “waa iska sidan marka xilka lagugu siiyo ilmo adeernimo,” iyagoo ula jeeda in Belel ay isku beel yihiin Farmaajo, islamarkaana uu ka mid yahay shakhsiyaadka ugu dhow.

111410cookie-checkFadeexo Ka Dhalatay Talaabo Ay Qaadeen Saraakiisha Arrimaha Dibeda