Ma Dhabaa in Maamulka Muuse Biixi uu Dhaqaale ku Bixinaayo Sidii Xilka looga Qaadi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka

Somalia news

Macluumaad hirdhac ah ayaa xaqiijinaaya in Maamulka Muuse Biixi ayaa wada mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee maamulkaasi, kadib markii uu si cad uu Gudoomiye Cabdirisaaq u sheegay ama uga hadlay waxa ka dhacaya Gobolka Sool, gaar ahaana Magaalada Laascaanood oo uu kusugnaa mudooyinkii lasoo dhaafay..

Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in Dadka degaanka taladooda oo kaliya ay kasoconayso Gobolka, dadaal kasta oo nabadeed ayuu sheegay in Mr.Muuse Biixi uu diiday, uuna ka door-biday jidka dagaalka iyo gabood-falada ka dhan ah Dadka Shacbka ah ee ku nool magaalada Laas caanood oo loo adeegsaday Hubka wax gumaada Falalkaan oo noqon kara Dambiyo dagaal.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in Xildhibaano taageersan argtida Muuse Biixi, oo dhaqaale loo balanqaaday ayaa Olole Beeleysan ka dhex wada Golaha, inkastoo ay ka biyo diideen tiro Xildhibaanada Mucaaridka ah oo u arko in Isku dayga mooshinkan iyaga mucaaradka ah dhabarjab weyn ku noqon doono, iyadoo haddii damaca Muuse Biixi & Saleebaan Gaal hirgalo ay ka dhiganaanayso in Mucaaradka uu burburi doono.

244040cookie-checkMa Dhabaa in Maamulka Muuse Biixi uu Dhaqaale ku Bixinaayo Sidii Xilka looga Qaadi lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com