Hey’adda Arrimaha gudaha iyo Amniga Ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa markii ugu horeysay oggolaatay in tiro haween ah ku biiraan ciidanka Boliiska ee ilaalada ka ah Xaramka barakeysan ee Makka, iyadoo muuqaalo xayeeysiis ah laga sii daayay Telefishanada Dalkaasi….
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dalka Sacuudiga ayaa baahisay sawiro muujinaya gabdho markii ugu horeysay ka shaqeynaya Ammaanka Xaramka iyo dadka ku cibaadeyanaya, talaabadaan ayaa la sheegay iney dood badan ka dhalatay, dadka qaar ayaa ku dhaliilay qaar kalena way soo dhaweeyeen.
Sacuudi Carabiya ayaa soo jiidatay indhaha caalamka sanado ka hor markii ay haweenka ka qaadday xayiraad muddo dheer saarneyd oo ku saabsan gawaari kaxeynta, Boqortooyada ayaa sidoo kale qafiifisay xayiraaddii cayaaraha ee la saaray haweenka iyo gabdhaha, iyadoo u oggolaatay haweenka inay cayaaraha ka daawan karaan garoomada cayaaraha.
Tallaabooyinkan ayaa waxay qeyb ka yihiin isbedelka arrimaha bulshada lagu sameynayo ee uu wado dhaxal sugaha boqortooyada Amiir Maxamed bin Salmaan, kaasoo ballan qaaday in dalka uu isbedel ku sameynayo oo qeyb ka ah tiigsiga 2030ka.