Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedyada Aqoonsiga & NISA

Somalia news

Warar hordhac ayaa sheegay Golaha Wasiirada ayaa maanta meel mariyay Hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta dadweynaha iyo Hindise Sharciyeedka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka oo noqonaya markii u horreysay ee Nabadsugida yeelato Sharci rasmi ah tan iyo markii la aas aasay 8 January 1970, haddii Baarlamaanka ansixiyo, iyadoo si rasmi uga mid noqon doonto Afarta qeyb ee ciidamada qalabka sida…

Hey’adda Nabadsugida oo magacyo kala duwan ku howlgaleysay tan iyo markii la aasaasay sida NSS iyo NISA ayaa ku shaqeyn jirtay wareegtooyin iyo awaamiirta ka soo baxda Madaxdii kala duwaneyd ee dalka soo maray, kuwaasoo danahooda ku fulsan jiray laguna caburin jiray Shacbiga Soomaaliyeed.

Sharcigaan Haddii la ansixiyo waxay soo laabi doonto taariikh dheer oo mugdi ah oo ay leedahay, iyadoo Agaasimaha NISA Mahad Salaad uu noqonayo Agaasimihii u horreeyay ee ku dhiirada inuu sharciyeeyo jiritaanka Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

235460cookie-checkGolaha Wasiirada Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedyada Aqoonsiga & NISA