Madaxtooyada Oo La Wareegtay Xarunta Warfaafinta

Somalia news

Madaxtooyada Villa Somalia ayaa oo welwel iyo shaki ka galay Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta iyo Ilaalada Xaruntaasi ayaa la sheegay iney si toos ah ula wareegtay dhamaan Howlaha shaqo iyo Ilaalinta xaruntaasi, kadib markii Shaqaale iyo Ilaalo cusub ku bedeshay kuwii horey u joogay…

Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Isbedelka lagu Sameeyay Shaqaalaha qeybaha Radiyo Mogadishu, SNTV, Wakaalada SONNA iyo Bogaga Website-yada Wasaarada iyo ilaalada xaruntaasi Waxaa si toos ah mudo todobaad u looga maamulaa Madaxtooyada Villa Somalia.

Talaabadaan ayaa waxaa ka carooday qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradda Warfaafinta, qaarkood xilalka ayaa laga qaaday, kuwo kale shaqo joojin ayaa lagu sameeyay halka kuwo kalena hanjabaad iyo digniin loo jeediyay.

Shaqaalihii ka shaqeynaayay waaxda baraha bulshada ayaa shaqo la’aan la dhigay iyagoo aan wax shaqo ah qaban, keliya wasaaradda Subax kasta iska xaadiriya kadibna ka soo laabta, Waxaana kaalintoodii lagu buuxiyay Xubno (CBB) ah oo aad u taageersan Hogaamiye kooxeedka soo daahay ee Farmaajo.

Shaqaalahii CBB ee laga shaqaaleysiyay SNTV ayaa shalay Qoraal ay soo dhigeen oo ku saabsanaa Dilkii Madaxweynihii Chad 🇹🇩 ayaa ka dhashay dood adag fal celin, iyadoo loogu baaqay in Farmaajo uu wadadaasi qaadi doono dhowaan, waxaana xigay in Madaxtooyada ay ka saarto qoraalkaasi.

112700cookie-checkMadaxtooyada Oo La Wareegtay Xarunta Warfaafinta