Faahfaahin ayaa laga soo sheegaya in 23 Oday-dhaqmeed oo kamid ahaa Odayaashii soo xuli lahaa Xildhibaanada beelaha Waqooyi oo dowladu horey ay u dajisay Hotela Villa Rosa oo Madaxtooyada deris la ah ayaa xalay loo keenay warqad digniin ah oo loogu sheegayo inay iskaga guuraan halkaas kadib markii maanta ay diideen dalab ka yimid Farmaajo kaasoo ahaa inay taageeraan Muddo Kordhinta…
Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Xildhibaano ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga oo Odayaasha loo direy kuna cadaadiyay inay Farmaajo taageeran oo warbaahinta la Hadlaan, ayaan darrase waa ay diideen dalabkaasi, waxeyna sheegeen ineysan ku milmi karin Xarig jiidka iyo Khilaafaadka taagan.
Oday-dhaqmeed Magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay “Waa ay u run sheegeen in Wakiilo ka Socda Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ay nagu cadaadiyeen inaan xaq daro ku taageerno mashruuciisa Muddo Kordhinta, isaguna wuxuu uga aargutay inuu hotelladii ka saaro”.