Amisom Oo Mar 2-aad Isku Diyaarineysa Faragelinta Siyaasada Somalia

Somalia news

Golaha Amniga & Nabadgelyada Africa ayaa soo saaray Qoraal adag oo uu kaga hadlaayo Xaalada Siyaasadeed ee cakiran oo xiligaan ka taagan Somalia, waxeyna ugu Baaqeen Gudoomiyaha AU-da inuu soo magacaabo Ergay u kala dab qaada dhincyada isku haya Siyaasada Somalia…

Somalida Miyeey Ka Hor-imaan karaan Go’aanada AU-da:-

Wakiilada Beesha Caalamka (Reer galbeedka), ayaa warkoodu lagu sheegaa inuu yahay Cadaadis ay cabsi gelin Cunaqabateyn la socoto, Laakin Amisom ayaa ilaalin iyo dhiig ku bixiyay Dowladnimada Somalia tan iyo 2007-dii, waxaana Dalka ka jooga Kumanaan Ciidan Boliis iyo Military isugu jira, waana adag tahay in Siyaasiyiinta Soomaalidu ay ka horyimadaan maxaa yeelay waxey awoodaan iney Ciidan ahaan u farageliyaan hadii ay dhinac isku dayaan iney ka horyimaadaan isla markaasna la muquuniyo. ( dib u xusuuso 2011-kii Oo Farmaajo lagu qasbay inuu Xilka wareejiyo).

Muxuu Farmaajo u Dalbaday Dhexdhexaadinta:-

Mr.Farmaajo ayaa ka dalbaday Midowga Africa iney dhexdhexaadiyaan isaga iyo Saamileyda Siyaasada Somalia kadib markii lagu heshiin waayay Khilaafka Doorashada Dalka, falanqeeyayaasha Siyaasada Somalia ayaa ku soo kooban 4-Qodob sababta Codsiga Farmaajo kuwaasoo kala ah:-

-Muddo Kordhinta oo uu u waayay cid taageerta, iyadoo la isku raacay in xitaa Koorumka Xikdhibaanada uusan dhameyn tiradii loo baahnaa.

-Wakiilada Beesha Caalamka oo Farmaajo u soo jeediyay xal deg deg ah keeno oo uu ku soo laabto Teendhada Afisioni ama inuu is casilo.

-Qorshihii Muddo kororsiga oo ahaa in Xoog lagu dhaqan geliyo uu meel mari waayay kadib markii ay Ciidamada Dowladda diideen iney qeyb ka noqdaan hirgelinta mashruucaan Farmaajo, halka Siyaasiyiinta Taageersan Farmaajo Ee Mogadishu ka soo jeeda ay caga jiid bilaabeen iney taageeraan muddo Kordhinta.

-Farmaajo oo soo food saartay Dhaqaale xumi baahsan xiligaan kala guurka ah kadib markii Dowladda iyo Hey’addaha deeqaha bixiya ay joojiyeen dhaqaalihii ay ku taageeri jireen Dowladda Federaalka.

Maxaa Dhici Kara hadii uu Farmaajo Diido Go’aanada Midowga Africa ama uu ka cago jiido (wakhtigu ku lumiyo), Waxaa dhici karta in Puntland iyo Jubbaland ay ka go’aan Somalia iyo in Bulshada Caasimadda ku nool ay iyaguna Dagaalo la galaan Farmaajo, si looga baaqsado in qorshayaashaan hirgalaan ayaa waxaa lagama maarmaan ah iney soo fara geliyaan Ciidamada Amisom oo Farmaajo markii 2-aad uu wajaho in xoog looga wareejiyo Talada Xafiiska, talaabadaan oo ah mid dhaawac u keeni karta Mustaqbalka Siyaasiyiinta keli-taliska ah iney ku kadsoomaan si xun u isticmaalka awoodaha iyo dhaqaalaha Madaxtooyada Somalia.

113460cookie-checkAmisom Oo Mar 2-aad Isku Diyaarineysa Faragelinta Siyaasada Somalia