Ilo Wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay Dowlad goboleedka Puntland ugu deeqday tiro gaadiid ah, kuwaasoo la sheegay in toddobaadkan laga soo dejiyey magaalada Boosaaso, Gaadiidkaan ayaa la siin doonaan Ciidamo dhowaan Tababaro u soo dhamaaday….
Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in tirada Gaadiidkaan oo Nooca Cabdi-bilaha ayaa gaaraya ilaa 30, kuwaasoo la sheegay in Dubai laga soo diray, mana ahan markii ugu horeysay oo deeq noocaan ah la gaarsiiyo Dowlad Goboleedyada Puntland.
Maamulka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xoojinaya awoodda ciidamada Puntland, xilli laga cabsi qabo in haddii Farmaajo ay u meel-marto labada sano ee muddo kororsiga ah uu dagaal ku qaado Puntland. Xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka oo taabacsan Farmaajo ayaa horey ugu hanjabay inay qabsanayaan Puntland.
Qatar iyo Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan siyaasadeed oo ka socda, ayaga oo kala taageeraya dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.
Qatar ayaa hadda ah dowladda bixineysa lacagta uu Farmaajo u adeegsaday muddo kororsiga, taasoo laaluush ahaan loo siiyo, Gudoonka golaha shacabka iyo qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka, ee laga cabsida qabo inay kasoo horjeestaan muddo kororsiga, si loogu aamusiyo.