Villa Somalia Oo Dhegaha Ka Fureysatay Baaqyada Mucaaradka

Somalia news

Maamulka Villa Somalia ayaa la sheegay iney go’aan satay iney dhegaha ka fireysati Baaqyada Beesha Caalamka Iyo Mucaaradka Ee wax ka bedelida Guddiyada lagu muransan yahay Ee Doorashada islamarkaana go’aansaday inuu doorasho qabsado….

Go’aankaan ayaa u muuqda mid sii kala fogeynaaya labada dhinac, iyadoo Wakiilada Beesha Caalamka ay wadaan dadaalo gaabis ah oo ku dooneyso iney isku keento dhinacyada siyaasadda isku haya,islamarkaana la gaaro doorasho xor iyo xalaal oo loo wada dhan yahay.

Dowladaha USA, Qatar iyo Ethiopia ayaa la sheegay ay Villa Somalia iney ku dhiiri geliyeen iney taageerayaan hadii ay Doorasho lagu muransan yahay la qabto, iyagoo ka caawinaaya dhaqaalaha ku baxaya doorashada dalka, talaabadaan oo khatar ku ah Nabada iyo degenaaaha Somalia.

83360cookie-checkVilla Somalia Oo Dhegaha Ka Fureysatay Baaqyada Mucaaradka