Guddiga Doorashada Jubbaland Oo Soo Saaray Doorashada 6-Kursi

Somalia news

Guddiga Doorashada Jubbaland ayaa soo saaray liiska iyo hab-raaca 6-kursi Oo lagu wado in lagu doorto magaalada Kismaayo kuwaasoo ka mid noqon doona Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee 11-aad, waxaana ku tartamaaya 4-Musharax Oo lab ah iyo laba Dhedig ah…

Musharixiinta ayaa noqonaaya kuwii ugu horeeyay ee Laga soo doorto Degaanada uu Maamulka Jubbaland ka arrimiyo, waxaana lagu wadaa in la qabto 28-ka December 2021, kuwaasoo kala ah:-

-HOP#082 waxaa ku fadhiyay Xildhibaan Xamsa Sheekh Xuseen Colow

-HOP#108 waxaa ku fadhiyay Xildhibaan Maxamed Cali Cumar

-HOP#113 Waxaa ku fadhiday Xildhibaanad Maryan Aweys Jaamac

-HOP#134 waxaa ku fadhiday Sahra Jaamac Qorsheel

-HOP#103 waxaa ku fadhiyay Sahra Xaaji Xuseen Cali

-HOP#217 waxaa ku fadhiyay Xasan Cabdi Ismaaciil ( Xasan Firimbi)

Doorashada ayaa ku soo beegmeysa iyadoo lagu wado in Magaalada Mogadishu lagu qabto 27-bishaan Kulan ay yeeshaan Madaxa Golaha Wadatashiga, waxaana lagu wadaa in lagu saxo khaldaadka iyo cabashada Doorashada intii la qabtay laga keenay.

157790cookie-checkGuddiga Doorashada Jubbaland Oo Soo Saaray Doorashada 6-Kursi