Xiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Waqooyiga Beledweyne

Uncategorized

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ilaa shalay ay xiisado colaadeed oo u dhaxeysa laba maleeshiyo Beeleed kuwaasoo isku heysta buundo lagu waday in laga dhiso degaanka Deefow ee Waqooyiga Magaalada Beledweyne…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xiisadani ay salka ku heyso kadib markii Dadka Degaanka ay ku kala qeybsameen dhismaha buundo la qorsheeyay in laga dhiso degaanka Deefow si looga hortago fatahaada Wabiga Shabelle, iyadoo wixii ka dambeeyay ay bilaabeen hub uruursi iyo abaabul colaadeed.

Labadaan Maleeshiyo ayaa isku horfadhiya degaanka, waxaana la sheegay iney ku baxeen Saraakiil ka tirsan Is-maamulka Degaanada Somalida Ethiopia ee Ferfer, waxeyna Kulamo la qaateen Odayaasha Degaanka taasoo aan dhalin natiijadii laga filaayay, Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan Gobolka Hir-Shabelle ayaan weli ka hadlin

113820cookie-checkXiisado Colaadeed Oo Ka Taagan Waqooyiga Beledweyne