Dowladda Federaalka Oo Baahi Dhaqaale Soo Food Saartay

Somalia news

Wasiirka Maaliyada Dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Duceyle Beyle ayaa qiray in dalalka deeqaha bixiya ay goosteen dhaqaalihii ay ku taageeri jireen Dowlada Federaalka, wuxuu sheegay in xiligaan dowladdu hadda wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo aad u baahsan oo saameysay dhamaan laamaha Dowladda…

Beyle ayaa sheegay “Dhaqaalihii kabka ahaa ee adduun-weynaha na siin jiray waa ay naga goosteen, xoogaa Sacuudiga iyo Qatar na siiyeen ayaan mushaharka ku bixinaynay iyagiina December iyo January ayay dhammaadeen, hadda waxaan taagannahay sagxadda”.

Wuxuu ayaa intaasi in dakhliga gudaha dowladda uga soo xarooda gudaha uu markii horeba ahaa 30%, inta kalena ay ka heli jireen dalalka deeqaha bixiya, kuwaas oo iminka lacagtooda goostay, sidaas darteedna loo baahan yahay in Soomaalida ay isku tashato.

Sida ana xogta ku helnay, Bangiga Aduunka, Midowga Yurub iyo dowlado ay ku jirto Dowladda Sacuudiga ayaa joojiyay lacagtii ay ku kabi jireen dowladda Federaalka, waxaana sababta lagu sheegay in muddo xileedka madaxda dowladda dhamaaday, muranka siyaasadeed iyo ku tagri-falka awoodeed oo ay ku dhaqmeyso dowladda Federaalka.

113850cookie-checkDowladda Federaalka Oo Baahi Dhaqaale Soo Food Saartay