Xubin Ka Tirsanaa Xoogaga Amaanka Oo La Dilay

Uncategorized

Faahfaahin ayaa ka soo baxeysa Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada ayaa waxaa xalay lagu dilay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dhinaca kalana ay baxsadeen kooxdii Dilka geystay…

Marxuumka oo ka tirsanaan jiray Boliiska ayaa waxaa lagu dilay xaafadda Jaamacadaha, gaar ahaan aagga Zone K, xilli uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday.

Waxaana lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Kaahiye (Nuur Gaab), isagoo u geeriyooday dhaawacyada ka soo gaaray dhawr xabadood, oo ay huwiyeen rag bastoolado ku hubeysnaa.

Wararka ayaa sheegaya ka hor inta aanu geeriyoon Sarkaalkaasi in uu iska caabiyay raggii soo weeraray, oo lala xiriirinayo maleeshiyada Kooxda Shabaabka.

Waa dilkii labaad oo bishan Ramadan ay mintidiinta Al Shabaab ka gaystaan Magaalada Muqdisho, illaa iyo hadda inta laga warqabo. Dilkan midkii ka horeeyay ayaa habeen hore ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee Degmada Dharkiinley, kaasi oo loo gaystay nin ganacsade ahaa, laguna magacaabi jiray Aboorey. Ciidamada Boliiska ayaana toogasho ku dilay laba nin oo dilkaasi ka masuul ahaa.

30420cookie-checkXubin Ka Tirsanaa Xoogaga Amaanka Oo La Dilay