Dagaal Ka Dhacay Degmada Ceelwaaq

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka ay xalay weerar culus ku ekeeyeen Garoonka Diyaaradaha ee degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare soo kala gaaray labada dhinac….

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabka ay dhowr jiho ka soo weerareen Garoonka, oo ay degan yihiin Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Nabad Ilaalinta Midowga Afrika, Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in weerarka uu ku bilowday madaafiic ay Shabaabku ku ekeeyeen garoonkaasi, kadibna ay qaarkood u suurtagashay inay gudaha ugu daataan.

Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle), Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay Shabaabku u muuqdeen kuwo doonaya inay la wareegaan garoonkaasi, balse aanay u suurtagelin.

Sarkaalkaan ayaa sheegay “Nimankii Khawaariijta ahaa ayaa caawa weerar xoogan oo arbushaad ah ku soo qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Ceelwaaq. Bilowgiiba Ciidamada Kenya way ku argagaxeen weerarka, meel laga jirana maysan garanayn, nimankii qaarkood oo watay jaran jarooyin ayaa darbiga Garoonka ku fuulay, muddo afartan daqiiqo ah baana dagaal faraha looga gubtay uu ka socday xerada dhexdeeda.” Ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Universaltv.

Wuxuu intaasi raaciyay “Khasaaro waa jiraa, laakiin ma sheegi karno inta uu le’eg yahay, nimankiina meesha ugama aysan tagin wax meyd iyo dhaawac toona. Laba diyaaradood oo kuwa yar yar ah ee Helicopter-ka ayaa Garoonka yimid, waxayna ka qaadeen dhaawacyadii askarta Kenyanka.”

Aadan Rufle ayaa Militariga Kenya ku eedeeyay inay madaafiicda goobta ku garaaceen deegaanada la degan yahay, waana xilli ay dib u gurteen Shabaabkii weerarka soo qaaday.

116910cookie-checkDagaal Ka Dhacay Degmada Ceelwaaq