Ma Dhabaa in Dib Dalkooda Loogu Celiyay Ciidamadii Eritrea ee Mogadishu ku Sugnaa

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in tiro badan oo ka tirsanaa Ciidamada Eritrea oi muddo ku sugnaa magaalada Mogadishu dib loogu celiyay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea kadib markii Dowladda Federaalka ay xasaasiyad ka qaaday in Shacbiga Soomaaliyeed ka gadoodaan joogitaanka Sharci darrada ah…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah com news u xaqiijisay in Ciidamadaan oo Tiradoodu dhameyd 500-Saraakiil iyo Kuxigeeni oo isugu jira, kuwaasoo Ciidamada Soomaalida u ahaa Taliyayaal Unug, Koox, Horin, Urur iyo Guuto, waxeyna muddo si qarsoodi sh lagu hsyay Xeryaha Maslax iyo Ex Hogaankii Dhismaha.

Ciidamadaan oo loogu talo galay iney Howl-geliyaan Ciidamada ay soo tababareen, balse kadib markii latashi dhinacyada Sharciga iyo Dastuurka ay Villa Somalia la yeelatay Khabiiro dhinaca Sharciga ah loogu sheegay iney Sharci darro tahay loona baahan yahay in Dalkooda dib loogu celiyo, waxaana Habeen hore si qarsoodi ah dib loogu duuliyay magaalada Asmara, kadib muddo shaqo la’aan ah ku heysay Xeryahaasi.

Ku Darsoo Ciidamadii laga keenay Eritrea ayaa Qaarkood su qabyaalad ah loo loogu xiray Darajooyin kala duwan sida G/Sare, G/Dhexe, Gaashanle, Dhamme iyo L/Xidigle, waxaana dhamaantood laga howlgeliyay degaano ka tirsan Degmada Cadale.

249800cookie-checkMa Dhabaa in Dib Dalkooda Loogu Celiyay Ciidamadii Eritrea ee Mogadishu ku Sugnaa