Faahfaahin ayaa laga helayaa amaro ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, kuna aadan inaanan Degaanada Galmudug la soo gelin karin qaadka dhanka dhulka looga keeno Ethiopia, sababo ku xiriira Ganacsatada oo aan u hoggaansamin awaamiirtii maamulka….
Wararka ayaa sheegay in Degaanada Galmudug ay muddooyinkii ugu dambeysay lagu keenayay Gadiid Qaadka Ethiopia, kadib markii Dowladda Federaalka ay joojisay Qaadka Kenya (Mira), Ganacsatada ayaana diyaarado iyo gaadiidba ku keenayay magaalooyinka Galmudug.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Mukhtaar Cali Cismaan ayaa ku hanjabay inay Galmudug la wareegi doono, haddii ganacsatada ay dhanka dhulka qaad dambe ku soo geliyaan deegaanadeeda.
1228300cookie-checkGalmudug Oo Amaro Ka Soo Saartay Qaadka