Xoogaga Amaanka NISA oo Gacan ku Dhigay 4-Eedeysane oo Dil Bareer ah u Geystay 2-Walaalo ah..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ee NISA, kuwaasoo ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan 4-Eedeysane oo loo heysto iney dileen 2-Marxuuum oo walaalo ah kuwaasoo lagu dilay dhowaan Degaanka ilix oo hoostaga Guriceel…

Wararka ayaa sheegay in 4-Eedaysane ayaa lagu qabtay Degaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe iyagoo baxsad ah, Marxuumiinta ay dileen ayaa lagu kala magacaabi jiray Dr Axmed Xasan Cismaan oo ahaa dhaqtar daweeya ilkaha kaas oo ka howlgali jiray xarun caafimaad oo ku taala magaalada Buuhoodle iyo Macallin Dugsi Quraan uu ahaa Marxuum Liibaan Xasan Cismaan.

Xoogaga Hey’adda NISA NISA ayaa hada gacanta ku haya Eedaysanayaasha, kadib howlgalo balaaran oo ay wadeen maalmihii u dambeeyay, waxaana lagu wareejin doona Hey’adaha Amaanka iyo Garsoorka Maamul Gboleedka Galmudug si loogu fuliyo cadaalada.

292950cookie-checkXoogaga Amaanka NISA oo Gacan ku Dhigay 4-Eedeysane oo Dil Bareer ah u Geystay 2-Walaalo ah..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com