Ethiopia Oo Lagu Eedeeyay Iney Qorsheeyeen Iney Ciribtiraan Shacbiga Tigray

Somalia news

Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Dalka Finland ahna Ergeyga EU-da ee Dalka Ethiopia Mr, Pekko Haavisto ayaa ku eedeeyay Hogaanka Dowladda iyo Ciidamada Ethiopia iney qorsheeeyeen iney ku tirtiraan Tigrayga muddo 100-sano gudahood ah, Eedaan oo si weyn uga qeyliyeen Maamulka Addis Abeba…

Dhawaaqaan ayaa ku soo aaday kadib markii kulan su’aal weydiin ah oo maalintii Talaadadii uu Wasiirka la yeeshay guddi ka tirsan Baarlamaanka Midowga Europe, iyadoo durbadiiba Eedeynta waxaa ka jawaabay Wasaarada Arrimaha Dibeda Ethiopia, iyadoo ku gacan seyrtay dhamaan eedaha loo jeediyay, iyagoo ku sifeeyay been abuur.

La-taliyaha gaarka ah Ee Wasiirka Arrimaha Dibeda Finland Mr.Otto Turtonen ayaa u sheegay Wakaalada Wararka ee Associated Press (AP) in Ergeygu uusan wax faallo dheeraad ah ka bixin Xiidaan (Arrintaan), wuxuu sheegey in Wasiirka in bishii February uu laba maalmood uu kulan xasaasi ah la yeeshay Mas’uuliyiinta Ethiopia.

Si kastaba, waxaa weli si xoogan u socda Dagaalka Gobolka Tigray, iyadoo Ciidamada Ethiopia iyo Eritrea lagu Eedeeyay iney wadaan Xasuuq, Dilal qorsheysan, Barakiciyaha iyo Kufsi, Hadalka Ergayga EU-da wuxuu dab ku sii shidayaa xaalada ka hor Doorashada Dalkaasi laga qabanaayo degaano qaarkood.

125370cookie-checkEthiopia Oo Lagu Eedeeyay Iney Qorsheeyeen Iney Ciribtiraan Shacbiga Tigray