Shirkadda Hubaal Oo Lacago Bixineysa

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in Shirkada Hubaal Forex ay magaalada Muqdisho ka bixineyso dhaqaale faa’ida ah oo ay leeyihiin qaar kamid ah maalgashadayaasheeda, kadib markii dhexdhexaad muddo la waday lagu guuleystay….

Xogtaan ayaa Diinah.com news la soo gaarsiiyay ayaa tilmaamtay in fariimo loo diray qaar kamid ah Macaamiisha lacagaha dhigtay shirkada, kuwaasoo maanta lagu wargeliyay iney lacagohooda soo doontaan, iyadoo meel gaar ah lagu balamiyay.

Wararka ayaa sheegaya in Dhaqaalahaan waxaa bixinaya Odayaal ku heyb ah Maamulaha guud ee shirkadda Hubaal Maxamed Ismaaciil oo wali u xiran laamaha amaanka, iyadoo la filayo in isagana la soo daayo todobaadka soo socda.

Lacag bixintan waxey qeyb ka tahay qorshaha soo deysmada Mr.Ismaaciil, iyadoo la doonayo in Warbaahinta laga sii daayo muuqaalka ah in shirkadaasi lacago bixin ay fulisay.

Macaamiusha lacagaha la siinayo ee la doonayo in sawirrada iyo muuqaalada laga duubto ayaa ah kuwo si gaar ah loo soo xulay, iyadoo qorshahan lagu doonayo sidii gacanta dowladda looga soo saari lahaa Maxamed Ismaaciil oo bilooyin u xiran laamaha amaanka.

48630cookie-checkShirkadda Hubaal Oo Lacago Bixineysa