Digniino laga soo saaray Go’aandii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran..

Somalia news

Waxgarad iyo Aqoonyahanno ayaa ka hadlay, nuxurka warmurtiyeedkii xalay kasoo baxay Kulankii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhowrka maalmood Muqdisho uga socda Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad goboleedyada marka laga reebo Puntland, waxeyna Fajac ku tilmaameen Qodobada la soo saaray..

Dhinacyadaan ka falceyay Go’aankaan waxeyna sheegeen inay u dhaqmayaan qaab kali talisnimo oo kale isla markaana Dalka jahawareer ka abuuri kara, Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay “Golaha Wadatashiga Qaran ma wuxuu isku beddelay taliskii Millateriga ee hore, nidaamkii xisbiyada badanna la laalay oo hal nidaam xisbi dib loo dhisay, Tani waxay keliya ka dari kartaa sunta degaankeena ee siyaasadded” sidaas ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Ka Sokow Siyaasigaan waxaa jira Siyaasiyiin badan oo dareen welwel ah ka muujinaya xaalada dalka uu galayo maadaama la gaaray go’aan aan laga diirsan oo halis badan xambaarsan, Doodo badan ayaa kasoo laabtay talaabadii xalay ay qaadeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana la aaminsan yahay in tani tahay bilaawga weji siyaasadeed cusub oo uu dalku galay.

258180cookie-checkDigniino laga soo saaray Go’aandii ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran..