Maxay isku hayaan Culimada Ururka Ictisaam & Salafiyiinta ee Somalia..? 

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay Waxaa soo shaac baxay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Wadaadada Urur-diimeedka Al-Ictisaam iyo Ururka Salafiyiinta ee guud ahaan Somalia gaar ahaan Maamulka iskii ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland….

Boogta Gundhiga u ah Khilaafka:-

Wadaadada Ictisaamka ayaa lagu soo warramayaa iney ka caroodeen hadal uu sanadkii hore jeediyay Sheekh Cabdullaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo kamid ah Hormuudka Culimada Salafiyiinta, isagoo jeediyay khudbad uu ku sheegay in ururka Shabaabka ee dagaalka ka wada Somalia uu ka soo farcameen “ilmo-galeenka Ictisaam”.

Sheekhyada Ictisaamka oo hadalkaa dhibsaday, isla markaana beeniyay iney xiriir la leeyihiin Ururka Argagixisada Shababka ayaa dacwad ka dhan ah Sheekh Barbaraawi u gudbiyay Wasaaradda Diinta ee Somaliland, “Waxaan bulshada u cadeyneynaa in aan beri ka nahay eeda iyo dhaleecaynta uu wadaadkaas dusha nooga tuuray ee ah in aanu jirin farqi noo dhexeeya anaga iyo Al-Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Mustafe Aadan Maxamed oo ka mid ah Ictisaamka.

Muxuu sheegay Sheekh Barbaraawi:-

Khudbadda Sheekh Barbaraawi oo ku dhawaad 9 daqiiqo ah, ayuu uga hadlay xiriirka ka dhexeeya Ictisaam iyo Maleeshiyaadka Shabaabka, wuxuuna ku dooday in Ururkaasi la dagaallama dowladda Somalia uu ka farcamay Ictisaam, “Ilmo-galeenka Ictisaam ayuu Shabaab ka soo baxay, Xubnaha asaasay Shabaabka waxa ay ka mid ahaayeen Ictisaam, Isku fikir na way ahaayeen, Inta ay Shabaabku yiraahdaan bay oran jireen,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi oo xaruntiisu tahay Hargeysa.

Waxa uu tilmaamay in Ictisaam ay ku eedeyn jireen Culimada Salafiyiinta uu kamid yahay iney u shaqeeyaan Dadka aan Islaamka ahayn, isla markaana ay jihaadka diidan yihiin, arrintaas oo uu hadda caan ku yahay ururka Shabaabka, “Jihaadkaan diidan tihiin iyo Maraykanka ayaad u shaqeysaan,” ayay nagu oran jireen Ictisaamka.

Waxaa marqaati ma doonto ah in labada urur ay isku qabteen arrimo ku saabsan Xukunka, halkaana uu khilaafkooda ka bilowday, “Goorma ayay Ictisaam billaabeen inay Shabaabku caayaan? Waa marka ay xukunka isku qabsadeen, Xitaa way shireen, [Ictisaam] waxay yiraahdeen biciidki idinkuu idiin dhacay ee wax inaga siiya. Markii uu khilaafka sii xoogeystayna, qaar kamid ah [Ictisaam] ayaa waxaa laayay Shabaab,” ayuu yiri Sheekh Barbaraawi, Waxaa xaqiiq ah inay isku mad-hab yihiin [Shabaab iyo Ictisaam] balse laga tababar batay qoylaha Ictisaamka]”.

196080cookie-checkMaxay isku hayaan Culimada Ururka Ictisaam & Salafiyiinta ee Somalia..? 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

3 thoughts on “Maxay isku hayaan Culimada Ururka Ictisaam & Salafiyiinta ee Somalia..? 

  1. Dhibka Somalia muddo 30 sano heysta ayaa ah khilaafyada Diimeed iyo xarakooyinka hubeysan kuwaasoo dhibka ku haya Nabada, degenaashaha iyo Amaanka Dalka

    1. Waa runtaa dhibka iyo dowlad la’aanta Dalka heysata muddo 30- sanadood ayaa ah mashaariicda Dalalka Khaliijka u soo dhibaato Wadada Al-ittixaadka kuwaaso Dhalay Shababka

  2. Waa runtaa oo Dalkaan wuxuu degayaa marka Xarakooyinka danaha dhaqan-dhaqaale, ku dhisan ee Khaliijka faraha kala baxay arrimaha gudaha ee Somalia

Comments are closed.