Kulamo Qarsoodi ah Oo Yeesheen Horjoogayaal Ka Tirsan Shababka iyo Saraakiil ka Tirsan K/Galbeed to

Somalia news

Inta badan Magaalooyinka uu ka kooban yahay Maamul Goboleedka Konfur galbeed ayaa muddo sanooyin ku jirtaa Go’doon, iyadoo ay gaadiidka qaada Raashinka iyo Shidaalka ku qasban yihiin iney ku dhex safran degaanada ay Kooxda Shabaab maamusho si ay u gaaraan Degaanada go’doonka, iyagoo bixiya dhaqaale baad ah…

Waxaa soo shaac baxaaya Warbixino la xiriira in Shidaalka iyo Raashinka uu gabaabsi ka yahay Magaalada Beydhabo, kadib markii Horjoogayaal ka tirsan Kooxda Shababka ay isla meel dhigeen in Booyadaha Shidaalka ee Magaalada Beydhabo digniino adag loo diray, waxaana ay maamnucen Gadiidka booyadaha ee sida shidaalka iney gudaha u galaan Baydhabo.

Ujeedada laga leeyahay Go’aanka ayaa wuxuu salka ku hayaa sida mamuulka Koonfur Galbeed loogu cadaadidin lahaa inuu joojiyo ciqabto iyo tacadiyada ay ku hayan bulshada ku nool Baydhabo ee u safara Maxkamadaha ku yaala dhulka ay Shabaabku maamulaan.

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in wada hadalo qarsoodi ah yeesheen Horjoogayaal ka tirsan Shababka iyo kuwo Maamulka Konfur galbeed, waxaana lagu heshiiyay in dhibaatada laga joojiyo Dadka Rayidka ah, isla markaasna la fasaxo Booyadaha Shidaalka.

128290cookie-checkKulamo Qarsoodi ah Oo Yeesheen Horjoogayaal Ka Tirsan Shababka iyo Saraakiil ka Tirsan K/Galbeed to