Masar & UAE Oo iska Kaashanaya Tababarka Ciidamo cusub Oo Somalia loo Tababaraayo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa qorshe Dhalinyaro Soomaaliyeed oo da’doodu u dhaxeyso 18-28 sano, loogu qoraayo xeryo ku yaal Gobolada Dalka iyo duleedka magaalada Mogadishu, Dhalinyaradaan ayaa la sheegay in loo sameeyay Balanqaadyo ku aadan mushaar, waxaana la sheegay in Dufcadii ugu horeysay loo qaaday Dalka Masar…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Dhalinyaradaan oo tirada loo qorsheeyay in la qaado ay dhan yihiin ilaa 3000, dhaqaalaha ku baxaaya waxaa bixineysa Dowladda UAE, iyadoo dufcadii ugu horeysay loo qorsheeyay in laga qaado magaalada Baydhabo, waxaana la sheegay in 120-Dhalinyaro ah loo diyaariyay in loo qaado tababarka Dalka Masar.

Wararka ayaa sheegaya in Xeryo ku yaal magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Boosaaso, B/weyne, Cadaado iyo Jowhar lagu uruurinaayo Dhalinyaradaan, waxaana lagu kala saari doonaan magaalooyinka Boosaso oyo Mogadishu, halkaasoo ay ku sugan Saraakiil UAE iyo Masar.

222970cookie-checkMasar & UAE Oo iska Kaashanaya Tababarka Ciidamo cusub Oo Somalia loo Tababaraayo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com